Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo caawa qabtay burcad dhac ka waday degmo ka tirsan Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada Booliska DF ayaa caawa burcad hubeysan ku qabtay xaafada Raadeelka oo ka tirtsan degm,ada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Burcadan oo ku hubeysanaa qoryo ayaa qaarkood xirnaa dareyska milatariga, waxaana xiliga gacanta lagu dhigayey ay ku howlanaayeen iney shacabka ka dhacaan telefoonada gacanta.

Raggan burcada ayaa iska caabin kala hortagay ciidamada amaanka ka hor inta aan la qabanin, waxaana is rasaaseyn kooban kaddib ciidamada qabteen saddex burcada ka mid ah iyo Mooto Bajaaj ay wateen halka mid kalana uu baxsaday.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay telefoono dhowr ah oo burcadan ay ka soo dhaceen shacab degan xaafado ka tirsan Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoos u dhac weyn oo ku yimid kiisaska cudurka Coronavirus ee gudaha Somalia

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaala oo laga dalbaday in uu dib usoo celiyo farshaxanadii Afrika

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo isaga baxay tartanka Koobka Adduunka 2026 iyo hal arrin oo Sababtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---