Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Jen. Xijaar kala hadlay taliyeyasha saldhigyada Booliska Muqdisho? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka

Shirkaas ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Al-shabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah sida uu yiri.

Sidoo kale Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la labo jibaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Cabdi Cade

Xildhibaano badan oo saluugsan nidaamka loo marayo Magacaabista golaha Wasiirada

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Xilalka ka qaaday Masuuliyiin badan kuwa cusubna magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---