Sheekh Aadan C/raxmaan Warsame (Shiikh Aadan Sunne) oo dhowaan ka soo tagay Somaliland, kuna biiray Al-Shabaab ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababaha keenay inuu ka soo haajiro magaalada Hargeysa kuna soo biiro Xarakada Shabaab.
Fariinta Sheekh Aadan Sunne oo laga baahiyey warbaahinta Al-shabaab ayuu kaga hadlay xaalada ay ku sugan yihiin dadka kunool degaanada uu ka taliyo maamulka Somaliland iyo halka uu maamulka ka jira deegaanadaas ka taagan yahay shareecada Islaamka.
Somaliland, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay’addaha NGO-ga iyo kuwa gaalada ka dambeeyaan, waxaa isoo kiciyay waa Mabaadida aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn in aan halkaan yimaado” ayuu yiri Shiikha
Wuxuu aad uga hadlay dhibaatada lagu hayo Culimada faafiya diinta Islaamka ee ku sugan Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland, iyo weliba kororka hay’ado uu sheegay iney dadka gaaleysiiyaan ee ku sii lixaadsanaya halkaas iyagoo taageero buuxda ka helaya maamulka Somaliland.
Wuxuu sidoo kale Sheekhu uga hadlay wixii ku arkay wilaayaatka Islaamiga ee ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab iyo farqiga u dhexeeya deegaanada uu ka taliyo maamulka Somaliland iyo deegaanada ay ka taliso Xarakada.
Somaliland intii aan joogay waan ku Nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa, waxaan u soo hijrooday dhul uu xor ku yahay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Islaamka Wilaayaadka Islaamka waa meel horumarsan oo lagu dhaqmayo kitaabka iyo sunada ilaahay. Waxaan halkan u imid in dadka lagu hogaamiyo manhajka Ilaahay u soo dajiyay adoomada” ayuu intaas ku daray shiikh aadan Sune.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com