War goordhaw kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdaasi weeraro isugu Ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga ee kuyaala Muqdisho.
Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka lagu daah furay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta ay degan yihiin Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga kadibna rag hubeesan gudaha u galeen goobtaasi.
Warka Al Shabaab goordhaw kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda ay wali ka dagaalamayaan dhismaha xarunta Oto Oto ay degan yihiin Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga.
”Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha dowada ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay cadowga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada iyo weerarka goordhaw ka dhacay magalaada Muqdisho, mana jiro wali tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay.
Weerarkan xoogan ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili maalmo badan magaalada Muqdisho ka nasatay Weerarada Ismiidaaminta ah iyo kuwa tooska ah Al Shabaab ka geesan jireen magaalada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com