Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal Muslim ah oo Marti gelinaya Maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

Turkiga ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.

“Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa, Haddiise ay ka hor-imaneyso sharciga taasi waa sheeko kale.”” ayuu yiri.

Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.

Mar waxa laga weydiiyey xaaladdooda, ayaa wasiirka wuxuu sheegay in Turkey ay fulisay cunaqabataynada ay asixisay QM.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.

Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.

Dalal Dhowr ah  ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen. balse Turkey oo xubin ka ah NATO, isla markaana xiriir xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow.

Related posts

Masjidka Hagia Sophia oo 86 sano ka dib lagu tukanayo Salaadii ugu horeysay Jimcaha

Caydiid Ali

Jeneraal Biixi oo tagay Deegaan Xeebeed la sheegay in Al Shabaab hubka kala soo degi jireen

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ruun Nirgood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---