Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Malafka Xildhibaanada Jubbaland lagu doortay oo lagu wareejiyay Guddiga Doorashooyinka

Guddiga hirgalinta doorashada heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa saaka ku wareejiyay galalka iyo malafka 34 xildhibaan oo kuraastoodu ku asteysneyd Deegaan Doorashada 1aad Kismaayo ee Jubakand.

Wakiilka guddiga doorashada ee FEIT, Marwo Faadumo Abdullahi ayaa saakay la wareegtay dhammaan dukumeentiyada Xildhibaanada labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay , waxaana goobjoog ka ahaa 11ka xunood ee SEIT iyo Guddiga EDRC.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa ugu baaqay guddiyada kale doorashada ee heer dowlad goboleed in ay soo wareejiyaan malafka iyo xogta xildhibaanada la doortay oo dhameestiran si loo diiwaangeliyo.

Guddiga doorashada ee Puntlandd ayaa shalay sidaan oo kale guddiga doorashada heer federaal ugu wareejiyay malafka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanaka federaalka ee lagu doortay magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo faray Wasiirka Maaliyada dar dar galinta arin Muhiim u ah Somalia (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xulka 17-jirada Somalia oo caawa la balansan dhiggooda Algeria (Maxaa laga filayaa?)

Caydiid Ali

Xubin ka tirsanaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo iscasilay iyo Puntland oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---