Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay ninkii dilay Bootaan Maxamed Bootaan

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay nin lagu helay in uu ka dambeeyay dil duleedka magaalada Garawe loogu geestay Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawil) oo katirsanaa ciidamasa PSF .

Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa maxkamadda ciidamada  ee Puntland ku heshay in uu ka dambeeyay dilka loo geestay Bootaan Cawil, waxaana maxkamada oo heerar kala duwan soo martay ugu dambeyn saakay xukun ku riday gacan ku dhiiglaha.

Dilka Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawil) ayaa ka dhacay 30-kii Bishii Octoober ee sannadkii 2021 duleedka Magaalada garoowe, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ku guuleesteen in ay soo qabtaan ninkii dilka ka dambeeyay.

Maamulka Puntland ayaa xukuno dil ah ku fuliya ciidamada maamulkeeda ee dilalka geesta iyo sidoo kale raga lagu helo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ee qaraxyada iyo dilalka ka geesta deegaanada maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Cabdiweli Muudey oo loo diiday in uu ka duulo garoonka Aadan Cadde iyo Xiisad taagan

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo ka hadlay weerarkii Galcad & geerida taliye ku-xigeenkii Danab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---