Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari gaar ahaan xero ciidamada daraawiishta Puntland ay degnaayeen.
Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen xerada , waxaana madaafiicda kaddib halkaasi ka bilowday dagaal toos ah oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dadka deegaanka ku dhaqan ayaa ku waramay in dagaalka saacad ka badan ka socday deegaanka gaar ahaan aaga xerada Af-Urur, waxaana gudaha xerada la arkayay qaac iyo uuro madow oo ka baxayay ,
Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarkan ka dhashay, Al Shabaab ayaana sheegtay in ay la wareegeen xerada ciidanka ayna halkaasi ku dileen askar badan sidoo kale ku gubeen gaadiid dagaal kuwa kalana ku qabsadeen.
Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkan saakay lagu qaaday xerada Af-Urur, waxaana weeraro xooggan oo horey xeradan Al Shabaab ugu qaadeen lagu laayay ciidamo badan oo katirsanaa maamulka Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com