Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar xoogan oo lagu qaaday xarun lagu keydiyo Shidaalka Sacuudiga (Sawirro)

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsado diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ku qaaday xarun shidaalka dalkaasi lagu keydiyo oo kutaala magaalada Jidah.

Dab xoogan iyo qiiq madow ayaa la arkayay oo ka baxaya goobta ay weerareen kooxda Xuutiyiinta, warbaahinta Sacuudiga ayaana sheegay in gantaalo ku rarnaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu weeraray xarunta keydka Shidaalka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in weerar ku qaadeen xarun lagu keydiyo shidaalka iyo Sacuudiga oo kutaala magaalada Jidah, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ka dhasheen khasaaro badan.

Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa sheegay in kooxdooda ay gantaallo ku weerareen xarumaha Aramco iyo warshadaha Ras Tanura iyo Rabigh, waxa uuna sheegay in weerarkaasi u adeegsadeen diyaarado.

Dowladda Sacuudiga iyo Shirkada Aramco ee maamusha shidaalka Sacuudiga ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu qaaday xarunta keydka shidaalka Sacuudiga ee kutaala magaalada Jiddah  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad milatari oo loo gacan galiyay Siyaasiyiin iyo dad kale oo taageersanaa Imran Khan

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey doorashada iyo taliyeyaal ciidan oo isbaaro dhigtay

Caydiid Ali

Banaan bax saakay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---