Allaha u naxariistee, waxaa maanta qabuuro ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada Muqdisho lagu aasay Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka mid aheyd dad fara badan oo lagu dilay Qaraxyo habeen hore ka dhacay Magaalada Beledwayne.
Aaska Marxuumada Aamino iyo Nabaddoonkeedii oo ka mid ah dadka ku dhintay Qaraxyada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad kala duwan oo isugu jira Ehel, Saraakiil Ciidan iyo shacab.
Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay Aaska ayaa ka sheekeeyay wanaagii iyo waxqabadkii Xildhibaan Aamino, iyagoo alle uga baryay in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo.
Xildhibaan Aamina ayaa Shantii sanno ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyada oo markale u sharraxneyd kursiga ay ku fadhisay oo deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Beledwayne.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo shalay la keenay Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com