Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa caawa abaare 10:00 caweysnimo ka bilowday degaanka Xaawo Cabdi oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga taabacsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay halkaas ku leeyihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Rasaas xooggan oo la isweydaarsanayo iyo qaraxyo ayaa goor dhow halkaas laga maqlay, welina faahfaahin lagama hayo Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo u muuqda inuu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dadweynaha ku dhaqan degaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa la soo dersay cabsi fara badan iyo argagax ay ka qaadeen hubka dushooda la isku weydaarsanayo.

“Ciidanka Booliska Haramcad oo markasta ka feejigan dhagarta cadawga  Waxay ka hortageen Weeraro Maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen Inay ku soo qaadaan Bar laga ilaaliyo Wadada Isku  xirta Mugdisho  Iyo Afgooye, argagixisada waxaa halkaasi Lagu gaarsiiyay khasaare xooggan  meydad Badan ayayna ka carareen” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka haramcad, dhanka al-shabaab war lagama hayo.

Al-Shabaab ayaa Maalmahan xoojiyey weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, shalay iyo xalay ayeyna aheyd markii dagaalyahano ka tirsan kooxdaas ay weeraro dad badan lagu laayey ka fuliyeen garoonka Aadan cadde iyo magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Al-Shabaab oo soo bandhigtay qalab milateri oo ay ka furteen Ciidamada Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo Go’aan deg deg ah qaatay kadib Cabsi xoogan oo soo Wajahday

Cabdi Cade

Sirdoonka Soomaaliya oo xiray Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga G/Banaadir iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---