Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rooble & Wakiilka Midowga Afrika oo kulan iskugu yimid ka dib weerarkii shalay

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera.

Rooble iyo Madiera ayaa ka wada hadlay xoojinta kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Kulankan ayaa yimid ka dib weerarkii shalay xubno ka tirsan Al-shabaab ku galeen qeybo ka mid ah garoonka dayuuradaha Muqdisho iyo xarunta Xalane.

Lix qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaaniib ayaa lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay garoonka dayuuradaha Muqdisho

Lixda qof la sheegay iney ku jiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM iyo saraakiil tababarayaal ah oo ka caawinayey dawladda dhinaca qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mohamed Ali Ramasani Dastik oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Xaaf oo ka qeylo-dhaamiyey dhaqaale la’aan heysata Maamulkiisa, eedeynna u jeediyey DF

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ku aaday dalka Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---