Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Itoobiya oo go’aan cusub ka qaadatay dagaalkii ay kula jirtay Xoogaga TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa go’aansatey inay soo afjarto colaaddii kala dhaxeysay Jabhadda gobolka Tigray ee TPLF sababo bini’aadaninimo awgeed..

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in dad badan oo ku nool gobolka Tigray ay u barakacayaan dowladaha dariska ah si ay u helaan gargaar bini’aadantinimo.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aanka dowlada uu dhaqan gali doono oo kaliya haddii fallaagada Tigray ay go’aansato inay qaado tallaabo la mid ah.

Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto kaas oo aysan heli Karin ilaa iyo bishii December.

Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Africa David Satterfield. Ciidamada Tigrey Ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ethiopian Airlines oo loo aqoonsaday Mucjisadii duulimaadka hawada ee Afrika

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey duqeynta lagu riiqmay ee Isbitaalka Gaza (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Booqashada Farmaajo ee Hargeysa, Bilowga, Dhamaadka Gooni-isu-taaga Somaliland!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---