Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo looga digay Faro gelinta uu ku hayo Siyaasada Soomaaliya

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa fadhi ay yeesheen waxa ay uga doodeen arimo ay ku jirto xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa ayna uga digeen dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga faro-galinta ay ku hayaan dowlada Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meel mariyay qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxa ayna si weyn uga falan qoodeen Baarlamaanka saameynta ee Soomaaliya ku yeelatay Xiisada Khaliijka.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa sheegay go’aankii dhax dhaxaadnimo ee Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Khaliijka in uu sababay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyaan lacagtii ay siin jireen Soomaaliya, iyagoo ku ciqaabaya go’aanka dhax dhaxaadnimo.

Dhinaca kale Baarlamaanka Yurub ayaa dowladda Imaaraadka ku booriyay inay joojiso falal xasilooni-darro ka abuuri kara Soomaaliya, sidoo kalena ay ixitiraanto madaxbannaanida dhuleed iyo qaranniamada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa go’aan dhax dhaxaadnimo ka qaadatay xiisadii wadamada Khaliijka, waxa ayna arintan keentay in uu xumaado xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta , waxa ayna Imaaradaka bilaabeen falal lidi ku ah dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Kenya oo qabtay ninkii dilay 3 haween Soomaali ah

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo kahor yimid Habraacii doorashada ee soo saareen Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Sagaal ka mid ah Shaqaalaha Q/Midoobay ee Gaza oo duqeyn lagu dilay (Sawirro)

Caydiid Ali