Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo caawa lagula eegtay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Qof dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyey  Xildhibaan Aamina iyo Ciidamo ilaalo u ah oo la socday.
Geerida Xildhibaanada ayaa waxaa xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan maaulka Hirshabelle, waxaana jira khasaare kale oo ka dhashay qaraxan.
Xildhibaan Aamina ayaa lagu xasuusto kiiska Ikraan Tahliil Faarax sida ay u difaacday iyadoo hadda u halgameysay iney noqoto mar kale Xildhibaan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..