Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidamo ka tirsanaa Ahlu sunna iyo hubkooda oo iska dhiibay Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsanaa kooxda Ahlu sunna iyo hubkooda ayaa maanta isku dhiibay ciidamada Maamulka Galmudug ka dib markii ay ka soo goosteen kooxdii ay ka tirsanaayeen.

Laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa goordhaw warbaahinta u soo bandhigey dhowr iyo toban rag ah iyo hubkooda kuwaasoo hore ka tirsanaa Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol.

Xubnahan ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen fekerkii ay ku howlanaayeen, iminkana ay diyaar u yihiin in ay bulshadooda dhinac ka galaan.

Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol oo ay hogaamiyaan Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir ayaan ka hadlin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo Gantaal la helay Markabka MV Groton (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Deni oo u ambabaxay Safar dibeda ah

Caydiid Ali

Maamulka Bankiga dhexe oo War ka soo saaray Dabkii qabsaday xarunta Bankiga (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---