Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Doorashadii ugu cajiibsaneed oo ka socota Baledweyne iyo Wareeg saddexaad oo la aaday

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socotada doorasho xiiso iyo xamaasad badan oo loogu tartamayo kursiga tirsigiisu yahay HOP063 uu horey ugu fadhiyay Cabdullaahi Goodax Barre balse ku haray wareegii hore.

Doorashadan ayaa wareegii labaad waxaa isugu soo haray labo musharax oo kusoo baxay wareegii hore ,waxa ayna musharaxiintaasi kala ahaayeen Daahir Xaaji Aaden iyo Cabdirisak Cabdullaahi Macalin Ciid.

Wareega labaad ee doorashada kursigan tartankiisu adag yahay ayaa noqotay mid lagu kala adkaan waayay, waxa ayna labada musharax kala heleen min 50-cod halka uu halaabay halkii cod ee lagu kala bixi lahaa.

Doorashada kursiga HOP063 ayaa la isla aaday wareeg saddeaax oo mar kale ku loolami doonaan labada musharax ee isugu soo haray, mana la saadaalin karo wali cida kurasigan kusoo bixi doonto.

Labada musharax ee ku loolamaya kursiga HOP06 ayaa mar kale olole ka dhax sameenaya ergada dooraneysa, waxaana Musharax Daahir Xaaji Aadan oo ku hooyo ah  Madaxweynaha Koonfur Galbeed taageero ka helayaa Villa Soomaaliya.

Kursigan ayaana noqday midka ay ku baxday lacagta ugu badan ee doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, ergada ayaana horey lacago kala duwan uga qaatay musharaxiintii kala duwanaa ee ku tartameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia iyo Koonfur Afrika oo kala saxiixday heshiis ka kooban qodobo muhiim ah

Caydiid Ali

Heshiis Horu dhac ah oo laga gaaray khilaafkii ka taagnaa qeybsiga biyaha Webiga Nile

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo abaalmarin siiyey askar howlgal ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---