Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay weerarkii Al Shabaab ku galeen xerada Xalane

Dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar qorsheesan ku qaaday gudaha xerada Xalane ee xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna ragaasi hubeesan gudaha u galeen qeybo kamid ah xerada.

Sida aan wararka ku heleyno raga hubeesan ee katirsan Al Shabaab oo tiradooda lagu sheegay labo nin ayaa toogtay askar iyo dad kale oo ku sugnaa aaga ay weerareen, waxa ay sidoo kale ragan hubeesan gubeen goobo ganacsi oo kuyaalla gudaha Xalane.

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in labo nin hubeesan ay weerareen xerada Xalane, waxa ayna booliiska sheegeen in ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ishortaag ku sameeyeen kooxda hubeesan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday xerada Xalane, mana jiro ilaa hada war faah faahsan oo kasoo baxay taliska AMISOM iyo dowladda Soomaaliya

Rasaas ayaa wali laga maqlayay gudaha garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane, waxaana dadkii ku sugnaa garoonka iyo sidoo kale xerada Xalane isku xireen goobo ay aaminsan yihiin in ay ku badbaadi karaan.

Ciidamo badan oo kuwa ammaanka oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ayaa la geeyay aaga ay galeen raga hubeesan ee katirsan Al Shabaab, waxa ayna ciidamada wali wadaan howlgal ay ragaasi kusoo afjarayaan.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday xerada Xalane ee ah taliska ugu weyn ciidamada AMISOM sidoo kale degan yihiin safaaradaha Reer Galbeed iyo saraakiil kale oo ajaaniib ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshadihii Minneapolis oo sii xoogeystay & Xaalada oo faraha ka baxday (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiirada Imaaraadka oo Damacsan in Soomaaliya ka hirgaliyaan siyaasada qeybi oo xukun !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare: “Lacag dhan $1,142,000 ayaa maanta naga soo gaartay dowlada Somalia”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---