Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo weerar toos ah ku qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa goordhaw weerar toos ah ku qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan qeybta Xalane ka  degan yihiin wakiilo katirsan beesha Caalamka iyo taliska ciidamada AMISOM.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada hubeesan ayaa rasaas ka bilaabay albaabka laga galo xarunta Xalane, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalyahanada weerarka ku qaaday xarunta Xalane qaarkood gudaha u galeen xerada, waxaana gudaha Xalane laga maqlayaa rasaas la is dhaafsanayo.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku shaaciyeen in weerar ku qaadeen xarunta Xalane, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in dagaalyahano hubeesan oo katirsan kooxdooda la dagaalamayaan ciidamada Shisheeye ee ku sugan Xalane.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo aqbalay dalab ka yimid DF

Caydiid Ali

Wasiirkii Difaaca UK oo shaqadiisa ku waayay Sir Qaran uu dusiyay

Cabdi Cade

(Sawirro) Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---