Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo isugu yeeray Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan iskugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug.

Qoorqoor ayaa faray xildhibaanada iney kama dambeys illaa beri ku soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimada Galmudug.

War rasmi ah kagama hayo ujeedada kulanka balse warar hoose ayaa sheegaya in Qoorqoor uu xildhibaanada kala hadlayo arrimo la xiriira doorashada gudoonka baarlamanka iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Galmudug oo uu ka mid yahay hogaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho iyo meelo kale, mana cadda iney Dhuusamareeb aadi doonaan si ay uga qeyb galaan kulankaas loogu yeeray.

Related posts

Somalia oo Somaliland ka hor joogsatay iney xubin ka noqoto ururka “A-WEB” (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Ma dhab baa in la sii daayey qaar ka mid ah raggii loo heystay dilka Caa’isha Ilyaas?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---