Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga DF oo qorsheynaya howlgal lagu furayo degmo ay go’doon ka dhigeen Al-Shabaab

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa maanta gaaray degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan.

Taliyaha oo halkaas kula kulmay saraakiisha kale ee qeybta 27-aad ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo kooxda looga xoraynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa safarka uu uga baxay Muqdisho waxaa ku wehlinayey Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Jeneraal Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale.

Taliyaha ayaa ku dhiira-galiyay Ciidamada in loo adeego Qaranka, lagana difaaco oo gacan la siiyo cid kasta oo diyaar u ah inay iska dhiciso Al-Shabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha qeybta 27-aad Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona magaalada Buuloburde gobolka Hiiraan, waxayna dejinayaan qorshaha la doonayo in go’doonka looga saaro magaaladaas.

Related posts

Yaa Lahaa dareeskii ay wateen ragii weeraray Hotelka Cas Caseey ee Kismaayo ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Dhulka oo furumaha ee dagaal u tagay abaabul dagaal oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---