Dowlada Burundi ayaa caasimada Bujumbura ka mamnuucday mootada seddedx lugoodka ah ee bajaajta loo yaqaano iyo kuwa labada lugood leh.
Baaskiiladda gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka ayaa sidoo kale la mamnuucay. Booliska ayaa taagan wadooyinka soo gala magaalada si ay u dhaqan geliyaan. amarkan.
Dawladdu waxay sheegtay in darawallada kaxeeya noocyadan gaadiidka dadweynaha ah ay mas’uul ka yihiin inta badan shilalka ka dhaca waddooyinka dalkaasi.
Shacab ka badan 600,000 oo qof oo ku nool Bujumbura ayaa la sheegay inay ku tiirsan yihiin maalin walba gaadiidka la mamnuucay.
Darawalada kaxeeya mootooyinka bajaajka waa dhallinyaro intooda badan ka yimid miyiga iyo ay shaqo la’aan qabatay oo leh rajooyin ah in ay nolol ka sameeyaan.