Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiyaha Sh/hoose oo eedeyn culus u jeediyey Maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa ku eedeeyey maamulka gobolka Banaadir iney dhul boob sharci daro ah ka wadaan degaanka Jasiira ee gobolka Sh/hoose, kuna dhow xadka labada gobol.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u dulqaadan doonin, kana hortagayo dhulka boobka ka socda degaanka Jasiira, isagoo u digay masuuliyiinta gobolka Banaadir ee arrimahaas ku lugta leh.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY GUDOOMIYE NAJAX

Waxaan ka warhayaa dhul boob ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin hore iyo kuwa hada xil ka haaya gobolka Banaadir ay ka bilaabeen deegaanka Jaziira ee degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Dhulka ku yaala garoonka Ceelhuur waa dhul danguud cidna xoog kuma dhisan karto, xad- gudubyada qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir sameynayaan waxay wax u dhimaysaa xasiloonida iyo nabad kuwada shaqeynta labada maamul ee deriska ah.

Annagoo gudanayna waajibka naga saaran difaaca dhulalka danta guud ee gobolka waxaan shacabka u xaqiijinaynaa inaan  ka hortagi doono dhul boobkaas ay hormuudka ka yihiin qaar ka mid ah maamulka gobolka banaadir

.Maamulka deegaanka jaziira waxaan fareyaa inay gutaan waajibkooda kana hortagaan dhul boobka ka socoda degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay xeryo ciidan oo kuyaala Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo muhiim ah kala hadlay Philip Parham (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Mahad Salaad oo si aan horey loo arag u difaacay Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali