Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka & Ukraine oo qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka

Dowladaha Russia iyo Ukraine ayaa qarka u saaran inay heshiis rasmi ah ka gaaraan joojinta dagaalka mudada bisha ku dhow ka dhex holcaya labada dal sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkey

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ayaa horraantii bishan ku kulmay magaalada Antalya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu uu isna kulankaasi ka qeybgalay. wadahadalkaasi ayaan dhalin wax natiija ah.

Balse Cavusoglu oo toddobaadkii hore tagay Russia iyo Ukraine wada-hadalna la yeeshay Lavrov iyo Kuleba ayaa u sheegay wargeyska Turkish-ka ah ee Hürriyet Daily in ay jirto isku soo dhowaansho ay labada dhinac ka muujiyeen halkii ay markii hore ka kala joogeen arrimaha la isku hayo ee dalka sababay.

Afhayeenka madaxtooyada Turkey Ibrahim Kalin, oo la hadlay TV-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in labada dhinac ay isaga soo dhowaadeen afar qodob oo muhiim ah.

Waxa uu soo qaatay dalabka Ruushka ee Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ah in ay ku biiraan NATO, hubka dhigis, waxa Russia ay ugu yeerto in Naaziyiinta laga saaro dalkaasi, iyo ilaalinta luqadda Ruushka ee Ukraine.

Ciidamada Russia ayaa ku duulay Ukraine 24-kii bishii hore. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ugu yeeray duullaanka in uu yahay “howlgal gaar ah”, oo looga dan leeyahay in hubka looga dhigo Ukraine uuna ka sifeeyo waxa uu u arko kooxo khatar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Hab cusub oo loo qaadi doono Canshuuraha laga aruuriyo Ganacsatada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Shirkii beesha caalamka iyo shanta dowlad goboleed oo baaqday (Sababta)

Caydiid Ali

Tirada Shacabka Falastiin ee ku dhimanaya Duqeymaha Israel oo sii korortay

Cabdi Cade