Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo oo labo arrin kala hadlay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka.
Rooble iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa si gaar ah uga hadlay caqabadaha ka jira dhameestirka Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BFS.
 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Wakiiladda Beesha Caalamka ayaana ka codsaday Ra’isul Wasaare Rooble in xukuumadda kala shaqeyso guddiga doorashooyinka sidii dhaqso loogu soo gabagabeyn lahaa doorashada xildhibaanada harsan loona gudbi lahaa doorashada harsan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Apple oo noqotay Shirkaddii ugu horreysay ee Adduun dhan 3 tiriliyan oo doolar samaysa

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Qarax Weyn oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas xoogan dhaceysa

Cabdi Cade

Gocasho gaaban Garoonka Kubadda cagta ee Istaadiyo Muqdisho

Cabdi Cade