Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Doorashadii xildhibaanada gollaha shacabka oo Kismaayo lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland lagu soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee loo qorsheeyay in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Waxaana maanta Kismaayo lagu doortay labadii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee deegaan doorashadoodu aheyd Kismaayo, waxaana wali Jubbaland ku harsan xildhibaanadii loo qorsheeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP133 ayaa qaab gacan taag ah loogu doortay Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan, waxaana tartanka kursigan ka tanaasulay sidii la filayay musharax Maxamuud Axamed Xasan.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu ahaa HOP219 ku guuleestay Xildhibaan Roodo Carab Cabdi oo heshay 78 Cod halka musharaxii la tartameysay Faadumo Cabdi Cali iyana heshay 20 cod.

Maamulka Jubbaland ayaa ku harsan doorashada 16-kursan oo horey loo qorsheeyay in lagu qabto magaalada Garbahaarey, waxaana doorashada kuraastan ka taagan khilaaf xooggan, Jubbaland ayaana diidan in Garbahaarey ka dhacdo doorashada kuraastan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiyiin Mucaarad ah iyo Xildhibaano shir uga furmay Nairobi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sarakiisha Boliiska Muqdisho oo ka hadlay shil argagax leh oo ka dhacay isgoyska Jubba

Caydiid Ali

(Akhriso) Magacyada ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu laayey Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---