Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabis cusub sameeyay (Akhriso Wareegto)

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayuu ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada.
 
Madaxweyne Siciid Deni ayaa u magacaabay Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) in uu noqdo Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.
 
Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa u qornaa sida tan:-
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 11, ku magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland..
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay:Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
 
1.Waxaa Maxamed Cabdiweli Nuur (Timire) loo magacaabay Agaasimaha Wacyi-gelinta Ciidamada iyo la-dagaalanka Argagixisada, ee Wasaaradda Amniga iyo DDr-ta Dowladda Puntland.
 
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Related posts

Dayuurad gaar ah oo ciidamo ka tirsan Danab ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo dal Yurub kuyaalla oo heshiis dhinaca Amniga ah kala saxiixday

Cabdi Cade

Daawo: Xiisada Axmed Madoobe iyo DF oo ka dartay & digniin laga bixiyey doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---