Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo Shahaado sharaf siiyay Guddiga doorashada KG (Sawirro)

Waxaa xalay magaalada Baydhabo  ka dhacday munaasabad casho ah oo shahaado sharaf lagu gudoonsiinayay sidoo kale loogu mahadcelinayay guddiga doorashada iyo xallinta khilaafaadka doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka doorashada sida  ay u maamuleen doorashooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo Baraawe.

Waxa uu sheegay Laftagareen in shaqo wanaagsan qabteen guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka, waxa uuna xusay in Koonfur Galbeed aheyd maamulka xildhibaanada ugu badan lagu soo doortay.

Madaxweynaha Laftagareen ayaa sheegay in maamulkiisa fuliyeen heshiisyadii horey looga gaaray doorashada, waxa uuna ka gaabsaday in uu ka hadlo boobka doorashada iyo sidoo kale dadkii maamulkiisa u diideen in ay tartamaan.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed farriin u diray xildhibaanada gollaha shacabka ee Koonfur Galbeed lagu doortay, waxa uuna ugu baaqay in ay noqdaan xildhibaano isku xiran ayna muujiyaan midnimo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu doortay xildhibaano aad u badan oo dhammaan ahaa kuwa uu si gaar ah usoo xushay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaana Laftagareen la doonayaa in Farmaajo ugu shubaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha cusub ee Safaaradda Somalia ee dalka Uganda oo xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

admin

Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la iibinayo iyo Sababta keentay oo la Ogaaday !!

Cabdi Cade

(Sawiro) Shir Kambala uga socda dowlada federaalka & dowlad goboleedyada dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---