Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yaa taageero ka filayey Deni oo ka naxay Musharaxnimadiisa, Yaanse kala jecleyn?

Su’aalo badan iyo dabeyshii siyaasada oo isbedel uu ku yimid ayaa ka dhashay markii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni xalay ku dhawaaqay inuu yahay mushar u taagan xilka madaxweynaha Somalia.

Deni ayaa qeyb ka ahaa isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia, kaasoo ay ku jireen Musharaxiin Madaxweyne oo u badan siyaasiyiin ka soo jeeda koonfurta Somalia.

Musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia sida Xassan Cali Khayre, Cabdiraxmaan C/shakuur, Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh ayaa filayey in codadka xildhibaanada ee ka iman doona Puntland iyo Jubbaland ay ugu yaraan qeyb ka mid ah heli doonaan maadaama ay yihiin xulufo siyaasadeed yihiin.

Hase ahaatee Musharaxnimada uu Xalay ku dhawaaqay Deni oo aheyd mid mudooyinkanba la hadal hayey iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland oo badankood xagiisa aadi doona ayaa dhabarjab weyn ku noqotay musharaxiinta ka soo jeeda Muqdisho, maadaama ay meesha ka baxday taageeradii siyaasadeed ee ay ka filayeen labadaas dhinac.

Inkastoo Deni musharaxnimadiisa ay ku gedaaman yihiin caqabado badan oo mugdi gelinaya guusha uu filan karo, haddana lama dhayalsan karo awooda siyaasadeed ee uu isku halaynayo.

Dhaliilaha loo jeedinayo musharaxiinta Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah inuu indho tiray dagaalka siyaasadeed ee ay kula jiraan Farmaajo, ayna dhayalsadeen miisaanka ay leeyihiin siyaasiyiinta iyaga la mid ah ee qarsanayey damacooda kursiga Villa Somalia sida Deni.

Maadaama dabeyshii siyaasadeed ee doorashada Madaxweynaha  uu isbedel ku yimid lama oga waxyaabaha u qorsheysan Musharaxiinta Muqdisho iyo qaabkii ay u buuxin lahaayeen taageerada ay ka filayeen Deni iyo Axmed Madoobe ee meesha ka baxday.

Waxaa jira musharaxiin aan laheyn siyaasadeed oo weyn, isla markaana aan rajo ka qabin iney guuleystaa, kuwaasoo kalama jecla in Deni musharax noqdo iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=vuJd0aJOmW4

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay Sababtii ay u weerareen maqaayada Pearl beach iyo tirada dadka ay dileen

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden iyo xisbigiisa oo dhabar-jab weyn kala kulmay Aqalka Senate-ka

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---