Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska Somalia oo digniin siiyey Xildhibaanada cusub ee labada aqal

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somalia General Zakia Hussein ayaa digniin la xiriirta dhinaca amniga la wadaagtay xildhibaanada cusub ee loo doortay dhowaan labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Fariin ay ku baahisay baraha bulshada ayaa sidan ku bilaabatay:-

“Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadan inagu soo food haysa hadana badankiin magaalada Xamar ku soo wada xaadiri doontaan si loo dhameystiro doorashada dalka ka socota waxaan idinku boorinaayaa inaad fejignaantaan kana fiirsataan goobaha aad tagtaan iyo dariiqyada aad isticmaashaan.

Waxaana idinka codsanaa inaad yareeysan tagida goobaha dad weyna iskugu imaadaan sida biibitooyinka iyo maqaayadaha.

Ogoow hadaa shalay ahayd qof shacab ah manta waxaa tahay masuul dad matala. Waxaase ogaataa waxa ugu weyn oo naf badbaadiya ma aha ciidan ee waa fejignaanataada.

Hadaa dareentid amni daro ama u baahatid gargaar la xiriir ciidanka boliiska adigoo wacaaya numberka 991.

Facaaga ugu ficil roonoow
Haka fogaan cibaadada
Hana ku falaadin masuuliyada

FG: Tani waa iga talo mana ahan cabsi gelin ama “ku dhaxmilin siyaasadeed” ee yaan la iga ciyaarin dardaaranka hadaa ahlul tawxiid tihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=vuJd0aJOmW4

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo caawa kulmay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo digniin bixiyey

Caydiid Ali

Puntland oo caawa ku dhawaaqday kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---