C/kariin Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF dhowaana laga sii daayey xabsi ku yaalla Itoobiya ayaa ku dhowaad sanad ka dib la midoobay qoyskiisa oo degan dalka Kenya
Qalbi-dhagax oo habeen ka hor safarkiisii ugu horeeyey tan iyo markii la sii daayey ku tegay magaalada Magalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qalbi dhagax oo waqti la qaadanaya qoyskiisa Gabar iyo Wiil uu dhalayna garbaha ka heysta kuwaasoo aad ugu faraxsan sii deynta aabahood.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore Qalbi-Dhagax ku wareejisay dowladda Itoobiya, ficilkaas oo uu buuq badan ka dhashay, markii dambane loo qabtay guddi baarlamaanka oo soo baara, kaasoo ku soo gunaanaday in tallaabadaas ay qaldanayd.
Sii deynta Qalbi-Dhagax ayaa ku soo aaday xilli dalka Itoobiya ay ka socdaan isbadalo waaweyn oo siyaasadeed, isla markaasna xabsiga laga siidaayay xubno ka tirsanaa mucaaradka Itoobiya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com