Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo Casho sharaf loogu sameeyay dalka Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo weftigii ku wehelinaayey safarka Maraykanka ay ku joogaan ayaa xalay kulan Casho Sharaf ah la yeeshay jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Maraykanka.
 
Munaasibadan oo ahayd tii labaad ee ay jaaliyadda Reer Somaliland la yeeshaan weftiga madaxweynaha Somaliland, markii kulankaa laga soo baxayna waxa la gudo galay kulan madaxweynuhu ku qaabiley jaaliyadda, waxaana halkaa ka hadlay masiuliyiin kala duwan ,kuwaa  oo dhammaantood warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee dalka iyo muhiimada uu lahaa safarka maraykanka ay ku joogaan uga warbixiyey jaaliyadii ku sugnayd goobtaasi iyo bulshada reer Somaliland eek u kala dhaqan daafaha caalamka.
 
Ugu danbayntiina Madaxweyaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay jaaliyadda reer Somaliland , waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday ujeedka safarka maraykanka iyo guulihii laga gaadhay oo salka ku haya sidii Somaliland iyo Maraykanku ay wax u wada qabsan lahaayeen iyagoo is garansanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=D3K2zzULQrA

Related posts

TOOS U DAAWO: Baroordiiqda qaraxii 14kii Oktoobar oo ka socota isgoyska Zoope

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay talaabada xigta ka dib deyntii laga cafiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u duulay magaalada Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---