Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii guddiga Doorashada Hirshabelle oo xilka laga qaaday iyo Sababta keentay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Hirgalinta Doorashada Dowladda Hirshabeelle ka qaaday Mudane Axmed Xasan Diini.

Sida aan wararka ku helnay xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa soo dedejisay kaddib markii uu xalay soo saaray Odayaasha iyo bulshada soo xuleysa ergada dooraneysa saddexda kursi oo qaarkood khilaaf ka jiro.

Kuraasta uu xalay soo saaray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Odayaasha soo xulaya oon aheyn kuwii saxda ahaa waxaa ku jira kursiga HOP135 oo khilaaf ka taagan yahay doorashadiisa, kaa uu rabo Madaxweyne Guudlaawe in doorashadiisa la furo.

 

https://www.youtube.com/watch?v=D3K2zzULQrA

Related posts

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo soo saaray amar saameynaya Madaxdii hore (Akhriso)

Caydiid Ali

Ayatollah Khamenei” Gacmaha ayaan ka dhunkan lahaa kuwii qorsheeyay Weerarka Israel”

Cabdi Cade

Sirdoonka Israa’iil oo basaasay Ra’isul Wasaare Giorgia Meloni iyo xubno kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---