Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ku taalla Pakistan oo xukun adag ku riday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif oo loo haysto eedeymo musuq maasuq.

Waaxda la dagaalanka musuq maasuqa Pakistaan ayaa in badan dib u dhigtay dacwdaha loo haysta Nawaz Sharif.

Sharif ayaa horraan dacwad uu ka codsanayo in dib loo dhigo go’aanka u gudbiyay maxkamadda isagoo ku sugan magaalada London halkaasoo looga daweynaya cudurka Kansarka.

Nawaz Sharif ayaa ku tilmaamay dacwadaha ka dhanka ah isaga kuwo la siyaasadeeyay.

Nawaz ayaa xilka iska casiley (28kii July, 2017) kadib markii maxkamadda sare ay xukuntey in uusan xilka sii hayn karin sababo la xiriira eedeymo musuq.

Nawaz ayaa ah siyaasi inta badan hormuud u ahaa siyaada dalkaasi Pakistan 30-kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna xilka Ra’isul wasaarenimada soo qabtay sedex jeer oo kala intii u dhaxaysay 1990 illaa 1993, iyo markale oo ahayd 1997 illaa 1999 oo ciidamada afgambiyeen, iyo 2013 illaa 2017 oo uu is casiley.

Si la mid ah madax kale oo adduunka ka taliya, wuxuu marar badan ka badbaaday eedeymo musuq oo loo jeediyey.

Wuxuu madaxweyne ka yahay xisbiga PML-N, wuxuuna leeyahay shirkadda birta iyo maarta soo saarta ee lagu magacaabo Ittefaq Group, isaga oo ka mid ah dadka ugu taajirsan dalka Pakistan.

Isaga oo ka mid ah dadkii aadka ugu dhawaa hoggaamiyihii militariga ee dalkaasi Jeneta Zia Al-Xaq ee Pakistan xukumayay intii u dhaxaysay 1977-dii illaa 1988-dii, ayaa waxaa Nawaz aad loogu xusuustaa in uu amray tijaabadii ugu horeysey ee hubka nuyuukleerka sanadii 1998-dii.

Balse fadeexadii Waraaqaha Panama ama Panama Papers waxa loo yaqaano markii ay soo shaac baxday ayay halistii ugu weyneyd soo foodsaartay xukunka Ra’isul wasaare Nawaz Sharif, taasi oo kama dambeys kaliftey in uu xilka isaga dego.

Fadeexadan waxa ay quseysaa lacago la sheegey in dad caan ah oo uu Nawaz ka mid ah ay ku qarsadeen akoono bangiyo ku yaala dalka Panama ee Latin America.

Nawaz ayaa beeniyey eedeymahaasi, garyaqaanadiisana waxay soo saareen waraaqo cadayn ah oo xisaab xir ah, balse markii cadaymahaasi la hor geeyey maxkamadda ayaa waxaa la ogaaday in ay been abuur yihiin.

Waxaa cajiib ahayd qaabka lagu ogaaday in cadaymaha ay been abuur yihiin. Waxaa dhacday in qoraalka waraaqaha lagu diyaariyey farta loo yaqaano Calibre, waxayna ku taariikheysnaayeen 2004-tii, balse waxaa la ogaaday in fartani lasoo saaray sanadkii 2007-dii, taasi oo muujineysa in qoraalka la diyaariyey xili aad oga dambeeya xiliga lagu xardhay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho ma caasimad ayay noqonaysaa Masa …? Yaase diidan dhismaha maqaamka Magaalada Muqdisho ?

admin

Madaxweyne Afrikan ah oo hal sabab darteed u diiday in dalkiisa kusoo rogo bandow !!

Cabdi Cade

Madaxda maamul goboleedyada oo Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Kismaayo

Cabdi Cade