Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni: “Hadafkayga ugu weyn waa inaan ka taqalusno nidaamka Farmaajo”

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ka hadlay munaasabad caawa ka dhacday magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada Madaxweynaha Somalia.

Deni ayaa ugu baaqay dhamaan musharaxiinta madaxweynaha Somalia iney ku midoobaan hal hadaf oo ah in la bedelo maamulka hadda jira ee uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Hadafkeena ugu weyn waa inuu noqdaa inuusan xilka sii joogin Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana iga go’an cid kastoo hadafkaas leh inaan la shaqeeyo” ayuu yiri Deni oo intaas ku daray in maalmaha soo socda la dardar gelinayo ololihiisa doorashada.

Deni ayaa xusay in baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimoqraadi ah oo ka shaqeynaya horumarka dalka.

“Dalku kuma sii socon karo hanaanka uu Farmaajo ku waday shantii sano ee la soo dhaafay, shacabka Soomaaliyeed wuxuu dareemayaa in loo baahan yahay isbedel iyo dhiig cusub in lagu shubo Qaranka” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in isku dayga Farmaajo ku doonayo inuu ku soo laabto kursiga ay dhaawac weyn ku tahay degenaanshaha iyo midnimada umadda.

 

 

Related posts

QM oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ka dib laalidii go’aankii muddo kororsiga

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Asmara ku arkay saraakiil loo tababarayo DF

Caydiid Ali

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Dayax gacmeed wax basaas iyo shaki badan oo laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---