Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya u qoray warqad cabasho ah oo ku aadan dhibaatooyin amniga iyo Siyaasadda halis ku ah oo ka socda degaanada Jubbaland, kuwaasoo uu ku eedeeyey iney waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.
Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in hub ay wadeen  Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia uu galay gacanta Al-Shabaab.
Maamulka ayaa sheegay in hubkaasi loogu tallo galay in lagula dagaalamo al-shabaab balse hadda uu iyaga gacanta u galay, iyagoo xusay in arintaas ay ku timid la tashi la’aan.
Qodobada cabashada ah ee kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa:
1- In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA.
2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,
3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,
4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhigooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,
5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,
6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,
7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com