Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW hore oo noqday darawal kaxeeya gaadiidka xamuulka ah (Daawo Sawirro)

Raisul Wasaarihii hore ee UK David Cameron ayaa noqday darawal kaxeeya gawaarida Xamuulka ee gala safarada dhaadheer.

Cameron ayaa ka soo muuqday warbaahinta xilli uu safar u ahaa dalka Poland si halkaas uu u geeyo shixnad gargaar ah oo loogu talo galay Qaxootiga reer Ukraine.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa safarkiisa ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka. Mr. Cameron waxa uu muddo laba sano ah si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayey mashruuca cunnada ee Chippy Larder

“Hadda waxaan ku socdaa Poland aniga iyo laba saaxiibo ah si aan u gaarsiino gargaar waxyaabo badan ka kooban Waxay noqon doontaa wado dheer” ayuu intaa ku daray.

Horaantii todobaadkan, waxa uu ku baaqay in gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la siiyo Ukraine.

Isagoo la hadlayay telefishinka Channel 4 News, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda inay dib u soo celiso in 0.7% dakhliga guud ee qaranka loo qoondeeyo gargaarka dibadda, ka dib markii la dhimay 0.5 boqolkiiba sannadkii hore.

Mr Cameron waxa uu ku taliyey in golaha Wasiiradu ay yeeshaan Wasiirka gargaarka, kaasoo 100% u heellan doorkan.

Ma laga yaabaa inaan aragno mid ka mid ah Raisul wasaareyaashii soo maray dalkeena oo isku bedelay darawal ku shaqeysta gaadiidka xamuulka ah ee u kala goosha gobolada dalka iyo dalalka deriska ah?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal cusub oo ka dhan ah Al Shabaab xilli ciidanka ay…

Cabdi Cade

Wasiir booqday Jiida hore ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waa tee Dowlada Islaamka ah ee boobka uga badan ka gaysata xeebaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---