Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cabsi xooggan oo lasoo daristay Madaxweyne Putin iyo Aqalkiisa oo laga dareemay

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa xaalad cabsi iyo walaac lasoo daristay, xilli ciidamadiisa ay howlgal milatari oo khasaaro badan dhaliyay ka wadaan qeybo badan oo kamid ah dalka Ukraine.

Ruushka ayaana wajahaya culeesyo badan oo soo foodsaaray kaddib duulaanka ay ku qaadeen Ukraine, waxaana hada soo korortay in Madaxweyne Vladamir Putin naftiisa lasoo daristo cabsi uu ka qabo in la khaarijiyo.

Madaxweyne Putin ayaa la sheegay in uu ka shakiyay shaqaalihiisa gaarka ah gaar ahaan kuwa raashinka u kariya, waxa uuna bedelay dhammaan shaqaalihiisa gaarka ah oo gaarayay ilaa 1,000 qof.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Madaxweynaha dalbaday in marar badan laga dhadhamiyo raashinka loo keeno, waxa uuna cabsi badan ka qabaa in la sumeeyo looguna daro raashinka sun noloshiisa halis gelin karta.

Dalka Ruushka ayaa caado ka ah qofka la doonayo in la khaarijiyo in loo adeegsado sun, waxaana horey loo sumeeyay balse ka badbaaday hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Ruushka sida weyna uga soo horjeeda Madaxweyne Putin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo ku adkeysatay in shirka wadatashiga doorashada lagu qabto Garoowe

Caydiid Ali

Ciidamo ka socda dalka Seirra Leone oo la geeyay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo War kasoo saartay ciidankii saakay iska dhiibay Raaskanbooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---