Allbanaadir.com
NEWS

Ogow tirada Xildhibaanada la doortay, kuwa harsan iyo maamulada ay ku dhiman yihiin

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya ayaa hada maraya heer gebogebo ah, waxaana inta badan la doortay xildhibaanada gollaha shacabka oo ka kooban 275-Xildhibaan.

Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolada Waqooyi iyo beelaha Banaadiriga ayaa soo dhameestiray doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxa ayna wali xildhibaano ku harsan yihiin maamulada Hirshabelle iyo Jubbaland.

Tirada xildhibaanada ilaa hada la doortay ayaa gaaraya 242-Xildhibaan, waxaana wali harsan oo la filayaa in dhawwaan lagu soo doorto deegaanada maamulada Hirshabelle iyo Jubbaland ilaa 33-Xildhibaan.

Maamulka Jubbaland waxaa ku harsan 20-Xildhibaan oo 17-kamid ah horey loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey, balse khilaaf taagan oo sabab u noqday in doorashada xubnahaasi dib u dhac ku yimaado xalna loo raadiyo kuraastaasi.

Waxaa sidoo kale Hirshabelle ku harsan 13-kursi oo lagu kala dooranayo  Baladweyne iyo Jowhar, doorashada ka socota Hirshabelle oo qorshuhu ahaa in mar hore lasoo gabagabeeyo ayaa iyana dib u dhac u keenay khilaaf ka dhashay sida loo dooranayo kuraas taala Baledweyne.

Dhameystirka Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka oo labo waqti oo loo qorsheeyay ayaa mar kale ka dib dhacday, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda Hirshabelle doorashada soo gabagabeeso halka Jubbaland arrinteeda xal kale u baahan tahay.

Xildhibaanada labada aqal ee hada dooran ayaa la dhaarin karaa sidoo kale doorashada sii gali kara, hasa ahaatee Madaxtooyada Soomaaliya oo gacan ka heleysa maamulada qaar ayaa diidan in Xildhibaanada howlgalaan iyadda oon xal loo helin kuraasta Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Qv0OYhZ9PxA

Related posts

Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay sargaal katirsan Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax kale oo xooggan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo Magacaabay Guddi gurmad oo 8 Wasiir ka kooban (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---