Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Soomaali ah oo ka mid noqotay la taliyeyaasha Raisul Wasaare Justin Trudeau (Daawo Sawirro)

Haweeney Somali-Canadian ah oo u ololeysa Dhaqdhaqaaqa Dhallinyaradda ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan Golaha La-talinta Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

Habboon Cali oo haatan Arday ka ah Jamaacadda  University of Toronto ayaa u sheegtay Shabakadda Muslim Link in loo magacaabay xubinnimadda Golahaasi oo 20 qof ka kooban, kuwaasoo dhinaca La-talinta ugu qaabilsan Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Iyadoo ka hadleysay hawsha loo xil-saaray waxay tilmaantay in iyada mas’uul ka tahay bixinta Talooyinka Ra’isul-wasaaraha Canada iyo Xukuumadiisa laga siinayso dhinacyadda Caafimaadka Dhimirka, Dib u heshiisiinta Shucuubta Asaliga, Kala duwanaanshaha, Hal-abuurka iyo Kobaca Dhaqaalaha.

Mar wax laga weydiiyey waxay ku soo kordhinayso Dhallinyarada ku nool Canada, waxay Habboon Cali sheegtay inay u istaagi doonto sidii ay u heli laahaayeen dhiirigelin iyo inay Siyaasadda ka soo muuqdaan.

Soomaalida xilalka sare ka qabanaya dalka Canada ayaa mudooyinkan sii kordhayey, waxaana ka mid ah Soomaalida jagooyinka sare ka haya dalkaas wasiirka socdaalka iyo xildhibaan dhowaan ku guuleystay inuu ka mid noqdo golaha degaanka magaalada Ontario.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjiraha Somalia ee Ugandha oo la kulmay dhigiisa Ambasador Fatih Ak (Sawirro)

Caydiid Ali

Jilaa caan ka ahaa mid kamid ah waddamada Yurub kuyaalla oo qaatay diinta Islaamka

Cabdi Cade

Jubbaland oo si adag u beenisay War laga faafiyay Markab kusoo xirtay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---