Allbanaadir.com
NEWS

Magaalo ay Soomaalidu degto oo muddo bil ah aan laga cunin hilib & sababta ka dambeysa

Wareegto kasoo baxday maamulka wajeer ayaa lagu sheegay in xayiraddii lagu soo rogay dadweynaha oo ku addaanayd ka ganacsiga iyo cunidda wax soo saarka xoolaha laga qaaday.

Xayiraadda waxay mamnuucaysay in laga ganacsado hilibka iyo dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Wixii ka billaawda 7-da bishan July dadweynaha reer Wajir waxay si rasmi ah uga ganacsan karaan dhammaan wax soo saarka xoolaha.

Dadweynaha waxaa loo soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin.

Inta aanan la gowricin xoolaha waa in la eego caafimaadkiisa

Nadaafadda in la dhowro iyo qodobo kale.

Horraantii bishii June ayaa dadweynaha reer Wajeer laga mamnuucay wax soo saarka xoolaha oo ay kamid ahayd cunnida iyo ka ganacsiga hilibka kaddib markii cudurka Riftvalley uu ka dilaacay halkaasi, Waxaana la xiray kawannada sii loo xakameeyo faafidda cudurka Rift valley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dowladda oo lacag u qeybisay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Liido

Cabdi Cade

Sudan oo shaacisay hadal biyo qabow ku shubay xiisadii kala dhexeysay Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---