Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad goboleedkii Sadexaad oo soo gebagebeeyey doorashada Xubnaha Golaha shacabka

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u soo gebagabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland.

Doorashada lixdii kursi ee ugu dambeysay Puntland ayaa saaka lagu qabtay Magaalada Garowe kuwaasoo loo xiray masuuliyiin iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu watay Madaxweyne Deni, waxaana doorashada lixda kursi ay ku dhamaatay qaab gacan taag ah ka dib markii tanaasuleen malxiisyadii Musharaxiinta lagu soo qoray.

1-Kursiga Hop073 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa waxaa ku guuleystay Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse.

2-Kursiga labaad ee Hop199 oo ay horay ugu fadhisay Xaawo Yuusuf Axmed ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare

3-Kursiga Saddexaad Hop198 ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Puntland Cismaan Cali Yuusuf.

4-Kursiga Afraad ee Hop129 ayaa waxaa ku soo baxay Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo horay ugu fadhisay.

5-Kursiga Shanaad ee Hop191 ayaa waxaa ku ku guuleystay Eng. Cabdixakiin Maxamed Jaamac.

6-Kursiga lixaad ee Hop221 waxaa ku guuleystay Cabdirisaaq Xasan Axmed.

Puntland ayaa noqoneysa Maamul gobol goboleedkii 3aad ee dhameystiray doorashada xubnaha labada aqal, waxaana horey doorashadan u soo afjaray dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo gobolka Banaadir oo ahaa degaan doorasho gaar ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

.

Related posts

Xamse Barre iyo Dhigiisa Masar oo arrimo xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo ka mid noqday xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia

Cabdi Cade

Daawo: Wasiir sheegay in Madaxweyne Farmaajo hada ka taageero badan yahay xiligii Doorashada !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---