Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo kulan deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanadii lagu doortay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada laga soo doortay degaanada Maamulkiisa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Xogta ayaa sheegaya in lafta gareen uu Xildhibaanada ka dalbaday in 20 bishan ay tagaan magaalada Baydhabo si uu halkaasi ugu furmo shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha doorashada dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Laftagareen uu xildhibaanada iyo Senatarada uu kala hadli doono arrimo ku saabsan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in xildhibaanada iyo Senatarada ka soo jeeda Koofur Galbeed ay tagaan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Loolanka doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka bilaaban doontaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo ka waday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo halka ay aadi lahaayeen codadka xubnaha laga soo doorto K/Galbeed, iyadoo Laftagareen uu ka mid yahay xubnaha sida weyn ugu dhow Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee  Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waqti dheeraad ah oo lagu daray Diiwaan Galinta Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo la sheegay in ay Itoobiya ka codsatay Sii deynta Qalbi Dhagax !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Kormeer ku tagey Dekadaha Tajoro iyo Gubeet (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---