Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saameyn noocee ah ayuu Soomaaliya iyo Afrikada kale ku yeeshay dagaalka Ukraine?

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka dhex qarxay Ukraine iyo Ruushka todobaadyo ka hor uu saameyn xun ku yeeshay dhaqaalaha dalalka Afrika oo ay Somalia ku jirto

Qiimayn ay Qaramada Midoobay ku samaysay waxyeellada uu dagaalka Ukraine ku reebay ganacsiga iyo dhinacyada maaliyadda, tiknolojiyadda, iyo maalgashiga ayaa la lagu ogaaay in meelaha saamaynta xooggan dhaqaale ahaan uu dagaalkani ku yeeshay ay ka mid tahay qaaradda Afrika.

Natiijada ayaa lagu ogaaday in colaaddani ay sii xumaysay dhaqaalaha caalamka iyadoo uu sare u kacay qiimaha cuntada, shidaalka iyo daawooyinka bacriminta ee beeraha loo isticmaalo.

Khatarta kacdoonka shacabka, cunto yarida iyo hoos u dhaca sicir bararka ayaan la dhimi karin, gaar ahaan marka la eego xaalada jilicsan ee dhaqaalaha adduunka ee ka dhashay cudurka faafa ee COVID-19.

Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka mid yihiin, Somalia, Benin, Masar iyo Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda labo maamul Goboleed oo xaalku ku xun yahay iyo Xasan Sheekh oo Wadatashiyo wada

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo si adag uga hadlay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Faahfaahin: Nin dhalinyaro oo isku daldalay goob ganacsi oo ku taalla Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---