Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax waxyeelo u geystay shaqaale Turki ah oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax caawa maqribkii ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari ay la socdeen saddex muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga iyo darawalkooda oo Soomaali ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhamaan dadkii la socday gaarigaas ee iskugu jiray Soomaalida iyo Turkiga ay ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa burbur xoogan uu ka soo gaaray gaariga ay la socdeen oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay qeybaha hore, waxaana halkaas gaaray qaraxa ka dib ciidamada amaanka DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo la kulmay madaxda Ururo siyaasadeed xogna ka siiyay Heshiiskii Adis Ababa

Cabdi Cade

DEG DEG: Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Baladweyne & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Mashaariic Dan Guud ah oo laga Daah furay Degmo Xeebeedka Warsheekh (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---