Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo sheegay inuusan u dulqaadan doonin daandaansiga Maraykanka & Xulufadiisa

Ruushka ayaa uga digay Mareykanka iyo xulufadiisa in Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, iyadoo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruush naceyb ah.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa Madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruush naceyb laga yaqyaqsiyoodo si ay jilbaha ugu dhigaan dalkiisa.

“Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hal maalin gudaheeda ku taajiray iyo Warbaahinta oo hadalkeesa nasiibkiisa !!(Sawirro)

Cabdi Cade

Cilad adag oo soo wajahday Bogaga facebook & Instagram iyo jahwareer ka taagan

Caydiid Ali

Waa kuma Yaxya Sinwar, Hogaamiyaha bedelay Ismacil Hania?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---