Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ka digay dib u dhac dambe oo ku yimaada doorashada Soomaaliya.
Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiiusa ku guuleestay in doorashada xildhibaanada gollaha shacabka kusoo gabagabeeyo xilligii loo qorsheeyay, waxa uuna cadeeyay in aan loo baahneyn dib u dhac kale oo kuyaada doorashada dalka.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in dhameestirka doorashada dalka ku xiran yihiin arrimo badan ay kamid yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo sidoo kale sii hana qaadka dowladnimada iyo horumarka dalka.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Qoor Qoor ayaa imaanaya xilli uu kamid yahay masuuliyiinta caqabada ku ah dhameestirka doorashada, waxa uuna habeen hore soo saaray qoraal abuuraya khilaaf siyaasadeed iyo in mar kale dib u dhacdo doorashada.
Madaxweynaha Galmudug ayaana kahor yimid qoraalkii kasoo baxay guddiga doorashada ee lagu shaacinayay habraaca dhaarinta xildhibaanada, waxaana Qoor Qoor la sheegay in Villa Soomaaliya kala shaqeenayo dib u dhaca doorashada Madaxweynaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com