Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada kumaandooska Danab oo qabtay gaari qaraxyo saarnaayeen (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab, iyaga oo sidoo kale qabtay qaraxyo.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ciidanka ka fuliyeen degaannada Beer xaani iyo Gabdhoole ku dileen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab kuna qabteen gaari qaraxyo saarnaayeen.

Ciidamada Danab ayaa dilay saddex xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , waxa ayna la wareegeen gaari ay wateen kooxdaasi iyo hub sida uu wakaalada Wararka Sonna u sheegay sargaal katirsan Danab.

Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Danab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ay ka fuliyaan deegaano kuyaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Guriceel (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Fiqi oo ka hadlay ciidanka Madaxda D/Goboleedyada la tageen Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/dibeda Somalia & dhigiisa Wang Yi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---