Guddiga doorashada heer federaal ayaa soo saaray habraac loo marayo diiwaangelinta iyo dhaarinta Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka oo intooda badan lasoo doortay, waxaana haray tiro Xildhibaano ah oo maalmahan soo socda lasoo dooranayo.
Qoraalka xalay kasoo baxay waxaa durba si adag uga hor yimid madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaa oo shaaciyay in guddiga doorashada aysan shaqo ku laheyn dhaarinta xildhibaanada cusub iyo habraaca loo marayo.
Waxa ayna sheegeen Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug in gollaha wadatashiga Qaran oo ku mideesan yihiin madaxda dowlad goboleedyada masuul ka yihiin dhaarinta iyo isku keenida Xildhibaanada labada aqal ee la doortay.
Sida aan xoggo lagu kalsoonaan karo ku helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka dambeesay qoraalada kasoo baxay madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxa ayna Villa Soomaaliya abuurida khilaafkan ka leedahay ujeedooyin dhoor ah.
Ilaha aan xoggaha ka helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada dooneyso in doorashada Madaxweynaha sii dheeraato uuna abuurmo khilaaf sidoo kale laga shaqeeyo in shir yeeshaan Madaxda gollaha wadatashiga si ay uga arinsadaan kuraasta Garbahaarey taala.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in xaalka ku xumaanayo haddii Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka la dhaariyo la iskuna keeno iyada oon la dooran kuwa Garbahaarey taalla oo suurto gal tahay in doorashadooda dib loo dhigo .
Khilaafkan cusub ee la abuurayo ayaa laga cabsi qabaa in mar kale saameyn ku yeesho doorashada guddoonka golaha shacabka iyo Madaxweynaha, waxaana la filayaa in maamulada harsan iyana soo saaraan go’aano kale oo iska soo horjeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=kvFhlcSLSiI