Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Yariisow oo tartan Isboorti ka furay degmada ugu halista badan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku nool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka, maadaama ay yihiin mustaqbalkii dalka.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, si ay horumarka dalkooda uga qeyb-qaataan, iyadoo la abuuray jawi xasiloon oo bulshadu ku horumari karto, isla markaana fursado u siinaya dhalinyarada inay wax bartaan oo ay ciyaaraha kaalin mug leh ka qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo furayay tartan kubadda cagta ah oo dhalinyarada degmada Heliwaa lagu dhiirigelinayay ayuu sheegay in kulamada noocaan ah ee lagu abaabulo dhallinyarada ay horumarinayaan nabadda iyo isdhexgal, iyadoo sidan oo kale lagu qabtay inta badan degmooyinka Muqdisho. Waxuna uga mahadceliyey maamulka degmada Heliwaa abaabulka tartanka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda in horumarka dalkooda ay u istaagaan, mar walba in aan ku dhiirigelino dhalinyarada nabadda iyo isdhexgalka waxaa ay ka mid tahay dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku dooneyno in aan ku horumarina kuna xoojinno xiriirka aan la leennahay bulshadeena, si aan u xaqiijinno horumarkooda. Cayaarta kubadda cagtuna waxaa suurta gelisay nabadda aan haysano, taasoo u sahashay dadweynaha in ay ka qayb-galaan arrimaha bulshada,”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidoo kale kormeeray xarunta degmada Heliwaa, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka wada shaqeynta iyo iskaashiga ay leeyihiin oo ugu baaqay in ay sii xoojinayaan loona istaago dib-u-dhiska degmada.

Inkastoo guud ahaan magaalada Muqdisho ay si buuxda gacanta ugu heyso dowlada Somalia ayaa haddana shacabka magaalada waxay aaminsan yihiin degmada Heliwaa ay tahay goob ay gabaad ka dhigtaan xoogag taabacsan al-shabaab, iyadoo mararka qaarkoodna ay ka dhacaan degmadaas qaraxyo miino iyo weeraro toos ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu salka ku hayaa dagaalkii maanta ka dhacay Dhuusamareeb? (Warar kale)

admin

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo furay shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Masuul sare oo katirsan Shirkadda DP World

Cabdi Cade
Taboola Ads ---